Saturday, 29 March 2025

Maxaa ka cusub manta suuqa cryptocurrency?

 Manta oo aay taarikhdu tahay 29 Marc 25, suuqu wuxu la daalaa dhacaayaa hoos u dhac weyn, Hadii aan eegno qiimaha bitcoin ayaa ka hoos maray 82kun 24H la soo dhaafay, Arintaan waxaa loo sababeynaayaa isbadalada dhaqaalaha iyo dhacdooyinka kale ee saameeyaa kalsoonida maalgashadayaasha(investors).

Dhanka kale waxaa saameyn karo suuqyada kale. Hadii aan eegno news manta waxaa suuqa saamiyada maraykanka laga saaray in ka badan 1.25 trillion arintaas oo aan dhihi karno sabab ayay u noqon kartaa, hoos u dhaca lacagaha digital ah.

TALO;

Waxaa muhiim ah markii aad joogtid cryptocurrency ama aad ku hamineyso inaad maalgahato inaad fahamtid in suuqaan uu leeyahay volatility badan.

Sido kale waa inaad ka taxadartaa lacagahaaga. Hadii aad rabto inaad maalgashato suuqaan, waxaa lagu talinaaya inaad adeegsatid In aad lacagta qeyb qeyb aad u Galiso (DCA).

Muhiim; 

Suuqan faaido badan waa leeyahay, sido kale qasaaro badan wuu leeyahay. Marka ka taxadar lacagtada.

No comments:

Post a Comment

Update cryptocurrency

 March 31 waxaa laga dareeemaayaa suuqa wal wal aad u daran. Qasaaraha ayaa badan, 24 saac ee lasoo dhaafay waxay maalgashadayaashu( investo...